10 Cunto Oo Kobciya Caafimaadka Iyo Firfircoonida Caruurta

Cunto nafaqo leh oo isku dheeli tiran ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee u baahanyahay ilmaha soo koraya. Caruurtu waxay u baahanyihiin energy aad u badan iyo nafaqooyinka ka duwan kuwa dadka waa wayn ay u baahanyihiin.

Hadaba waxaan akhristayaasha ku xiran daryeelmagazine.com la wadaagaynaa toban cunto oo kordhiya caafimaadka jirka iyo maskaxda ee caruurta.

Caanaha:caanaha iyo caruurta

Waxay aad ugu wanaagsanyihiin caruurta, waxaa ku jira labada macdan ee kala ah Calcium iyo phosphorous oo kobciya caafimaadka lafaha, ilkaha iyo ciddiyaha. Sidoo kale caanaha waxaa ku jira vitamin D oo door muhiim ah ka qaata caafimaadka lafaha.

Ukunta: ukunta

Ukunta waxaa ku badan borotiinka, waxaana uu muhiim u yahay koritaanka caruurta. Ukunta waxa ku jira B vitamins oo kaalin wayn ka ciyaara koritaanka maskaxda, sidoo kale, ukunta waxaa laga helaa oo ku badan maadada Omega-3 Fattey Acid, taasoo awoodda maskaxda kor u qaada.

Broccoli:broccoli

Khudaarta cagaaran ee broccoli-ga ayaa ka mid ah ilaha ugu muhiimsan ee laga helo macdanta calcium.  Waxaa kaloo ka buuxa nafaqooyinka kale sida Fiber, birta, macdanta magnesium, phosphorus, potassium, zinc iyo folic acid.

Yogurt:yogurt3

Caanaha garoorka gaar ahaan nooca loo yaqaan Greek yogurt waxaa ku badan borootiinka, sidoo kale waxaa ku jira bakteeriyada wanaagsan ee ilmaha ka caawisa in jirkiisu iska difaaco xannuunka gudaha. Yogur-ka waxaa kaloo laga helaa macdanta calcium, carbohydrates, vitamin B, zinc iyo phosphorus.

Yogurt-ka oo maalin kasta la cunaa waxay kor u qaadaa caafimaadka lafaha ilkahana way xoojisaa, sidoo kale ilmuhu waxay helaan tamar aad u badan.

Baradhada macaan:baradhada macaan

Baradhada macaan waxay ka mid tahay khudaarta ugu nafaqada badan, waxaa ku jira vitamin A oo ilaaliya caafimaadka indhaha. Baradhadaan waxay leedahay dhadhan wanaagsan oo ilmuhu aad u jecelyihiin. Sidoo kale waa il muhiim ah oo laga helo vitamin E, potassium, folate, calcium, iron iyo fiber.

Boorashka: boorashka

Si ilmahaagu u helaan tamarta (energy-ga) ay u baahanyahay maalin kasta, boorashka laga sameeyo sarreenka waxaa lagu rumaysanyahay inuu ka mid yahay waxyaabaha ugu wanaagsan ee lagu quraacdo.

Cilmi baaris la sameeyay ayaa muujisay in caruurta ku quraacda boorashka (oatmeal) ay kaga firfircoon yihiin waxbarashada marka loo barbardhigo kuwa aan ku quraacan. Daraasada ayaa iftiimisay in caruurta ku quraacda boorashka ay ka fahmo furanyihiin kuwa kale.

Digirta: digirta3

Digirtu waxay hodan ku tahay nafaqooyin muhiim u ah koritaanka caruurta, waxay leedahay antioxidants, borotiin, calcium, fiber, iron iyo vitamin B.

Avocado: avacado

afakaadhadu waxay ka mid tahay cuntooyinka la isku raacay inay yihiin Super-food, waxaa ku jira monounsaturated fats, phytosterols iyo antioxidants sida vitamin E oo jirka nafaqo u yeela.

Cambaha: cambaha2

Waxaa ku jira vitamin C oo caawiya hab dhiska difaaca jirka ee caruurta sidoo kale waxa uu ilaaliyaa caafimaadka ilkaha iyo cirridka.

Kalluunka: salmon

Waxaa haboon in waalidku todobaadkii laba goor caruurta ay siyaan 25 ilaa 35 grams oo kalluun ah sababtoo ah kalluunku waxa uu qani ku yahay  maadada  iodine iyo acid ka dufanka leh ee loo yaqaano Omega 3 oo faaido wayn u leh koboca caafimaadka maskaxda iyo indhaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *