10 Cunto Oo Cayilka Rida

Qormadaan oo uu qurbo magazine ka soo xigtay wargeysyo caalami ah oo kala duwan waxa uu akhristayaashiisa ugu soo bandhigayaa qaybo ka mid ah cuntooyinka aynu cunno, gaar ahaan cuntooyinka lagu yaqaanno in ay cayilka yareeyaan oo ay khubarada ku xeel-dheer cilmiga cuntada iyo faa’idada ku jirtaa caddeeyeen in ay miisaanka dhinto.

boorashka

Boorashka: Boorashku waa cuntada ugu fiican ee ay tahay in uu cuno qofka doonaya in uu miisaanka iska dhimaa, waayo waxa uu ka mid yahay cuntooyinka baalka leh sidaa awgeed waxa uu u fiican yahay caafimaadka caloosha.

tufaax

Tufaaxa: tufaaxu waxa uu ka mid yahay miraha ugu badan ee cilmi baarista lagu sameeyay natiijada kasoo baxday ee ku aadan faaidooyinkiisana waxay ahayd mid aad u wanaagsan. Tufaaxu waxa uu kaa  caawin karaa inaad miisaanka iska dhintid…  10 faaido oo tufaaxu uu leeyahay Riix Halkaan

kaabash

Kaabashka: Kaabashku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka faa’idooyinka badan ee caafimaad ay ku jiraan, waxaa ka mid ah in uu badiyo kaadida taasina ay gacan weyn ka geysato hoos u dhaca miisaanka. Daraasado cilmiya ayaa iyaguna xaqiijiyey in uu si weyn wax uga taro ka hor tagga iyo baabi’inta burooyinka kansarka ah iyo guud ahaanba sababaha kansarka keena.

saliida

Saliid Olive-ta (olive oil): Xeel dheerayaasha nafaqada jirka waxay isku raaceen in saliida oliv-tu muhiim u tahay jirka. Saliidaan  waxay kaa caawinaysaa inay ilaaliso kolestaroolka (duxda).

looska

Looska: Badso cunista  noocyada kala duwan ee looska waayo waxay yareeyaan caloosha, daraasad ay samaysay Purdue University ayaa lagu xusay in dadka cuna looska ayna mudo dheer gaajo dareemin marka loo fiiriyo kuwa cuna doolshaha oo ka mid ah cunooyinka kordhiya calories-ka.

shukulaatada

Shukulaatada Madow: Daraasado badan ayaa sheegaya in shukolaatadu lug ku leedahay dhimista miisaanka ama buurnida. Fayberka  ay ka samaysan tahay jokolaatadu ayaa waxa uuu yareeyaa  in uu jirku kaydiyo dux (subaga, baruurta), sababana in uu qofku dareemayo in uu dheregsan yahay… 8 faaido oo kugu dhiira gelinaya inaad badsato shukulaatada madow Riix halkaan

sanjabiil

Sinjibiisha: Sinjibiisha oo xaddi macquul ah lagu darsado shaaha ama xataa biyaha caadiga ah ee la cabbaa waxa ay leedahay faa’idooyin caafimaad, oo ay ka mid tahay in ay jidhka ka saarto suntan, sidoo kale waxa ay leedahay faa’idada ah in jidhku iska saaro dareeraha saayidka ah ee k u haraa ama ku urura. miro canab u eg

Blueberries: miraha yar ee  ee canabka u eg ee blueberries loo yaqaan waxay hoos u dhigaan heerka kolestaroolka.

10-kaan qodob samee si aad hoos ugu dhigto miisaanka jirkaaga Riix Halkaan

saliida kalluunka

Saliida  Kalluunka: Cilmi baaris ay samaysay jaamacada University of South Australia aya lagu ogaaday in hadii qofku uu badsado saliida kalluunka isla markaana jimicsi ku daro ay kordhayso fursadiisa ah inuu cayilka iska yareeyo.

ukunta

Ukunta: Waxey gacan ka geysataa dhimista miisaanka, ukunta waxaa ku jira nafaqooyin muhiim ah,  cilmi baarayaasha jaamacada Louisiana State University ayaa sheegay  in dadka subixii  ku quraacda ukunta uu miisaan badan ka dhaco marka loo eego kuwaan aan ku quraacan

Check Also

KACSI LA'AANTA RAGGA, JIMICSIGA,

Ahmiyada Jimicsiga Uu U Leeyahay Dawaynta Kacsi La’aanta Ragga

Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa lagu sheegay in jimicsigu uu xal u noqon karo kacsi …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *