Calaamadaha Lagu Ogaado Qofka Aan Ku Rabin Ama Wax Xiiso Ah Kuu Qabin

Inaad ogaato in qof ku jecel yahay oo uu xiiso kuu qabo iyo inkale waa wax aad ku dawakhi karto haddii aanad aqoon calaamadaha lagu garto in qofkaasi xiiso kuu hayo.

Halkaan waxaan kuugu soo bandhigi doonaa calaamado si sax ah kuugu caddeynaya in qofka aad la socoto uu xiiso kuu qabo iyo inkale si aad naftaada uga badbaadiso in qof aan kuu jeedin aad naftaada u hibeyso.

Digniin:

Si aad u xaqiiqsato in qof ku xiiseeyo iyo inkale waa in aanad ku qiimeyn hal calaamad ama labo calaamadood oo aad ku aragto. Waa inaad aruursataa oo aad ogaataa calaamado badan si aad u qaadato go’aankaaga ugu dambeeya oo ah in aanu qofkaasi wax xiiso kuu hayn.

Qofka oo hamaansada wax badan marka aad la joogto:

Dadku waxay hamaansadaan marka xad yar oo oxygen ahi ay gaadho maskaxda, tana waxaa sababa marka uu qofku wax ka xiiso dhaco, haddii qofka aad la joogto uu hamaansado wax ka badan halmar ogoow qofkaasi in aanu xiiseyneyn la joogistaada.

Jawaabo gaagaaban oo joogto ah:

Dadku waxay soo koobaan jawaabahooda marka ay mashquul yihiin, haddii aad aragto qofka oo hadallo koob-kooban ku leh, jawaabtana kuu gaabinaya ogow qofkaasi in aanu rabin inuu kula sii hadlo taasina ay muujinayso in xiisihii meesha ka baxay.

Qofka oo aan su’aalo ku weydiin

Badanaa qofka waxa uu su’aalo qof kale weydiiya marka uu doonayo inuu qofkaa wax badan ka ogaado aadna u xiiseynayo, haddii aanu qofku wax xiiso ah kuu hayn isku dhibi maayo in wax su’aalo ah ku weydiiyo.

Qofka oo dhowrkii cishaba ama toddobaadkiiba mar kula soo xidhiidha:

Qof marka uu qofkale aad u xiiseynayo waxa uu jecel yahay inuu badanaa la xidhiidho, balse haddii aad aragto qofka oo dhowrkii cishaba mar kusoo xidhiidhinaya ogow inay jirto suurtagalnimo weyn oo ah in qofkaasi aanu wax xiiso ah kuu qabin. Haddii qof kula soo xidhiidhi jiray in ka badan halmar maalintiiba uu bilaabo inuu kula soo xidhiidho maalintiiba halmar ama dhowrkii cishaba maalin ogow in qofkaas uu ka guray xiisihii uu kuu qabay

Qofka oo aan ku dedaalin is-araggiina:

Haddii aad aragto qofka aan waqti ku bixineyn islamarkaana aan ku dedaalayn inaad is aragtaan waa calaamad cad oo muujinaysa in qofkaas wax ahmiyad ah aanad ka lahayn dhankiisa.

Qofka oo aan ku tusayn tayooyinkiisa fiican:

Tani waa calaamad weyn oo ku tusaysa in qofku aan wax xiiso ah kuu qabin. Marka ugu horreysa ee aad qofka isbarataan wuxuu ku tusi doonaa tayooyinkiisa ugu fiican waxaana uu iska baadhi doona, shax-shax dheeraad ah iyo debacsanaan badan balse hadaad aragto qofka oo aanad uga duwaynayn dadka kale ee caadiga ah ogow inay jirto suurta galnimo weyn oo ah in qofkaasi aanu wax xiiso ah kuu qabin.

Qofka oo marmar muujiya inuu ku xiiseynayo haddana dib loo waayo:

Haddi aad aragto qofka oo mar kuu soo xiisaya haddana muddo dib u goosanaya oo la waayayo, waxaa jirta suurtagalnimo weyn oo ah in qofkaasi aanu wax xiiso ah kuu hayn, islamarkaana aanu ku jeclayn.

Qofka aan kuu soo jawaabin marka aad la hadasho:

Qofka oo aan kuu soo jawaabin marka aad online kula hadlayso haddii mar wax ka badan qofka aadan jawaab ka helin marka aad online kula xidhiidhayso, waxaa jirta suurtagalnimo weyn in qofkaasi aanu ku rabin ama wax xiiso ah kuu qabin.

Qofka oo si fiican kuula hadla marka aad la xidhiidho balse aan kusoo xidhiidhin:

Haddii qofku kuugu jawaabo si aad u fiican marka aad la hadasho balse aanu isagu kusoo xidhiidhin, taa macnaheedu waxay tahay in qofkaasi aanu ku xiiseyneyn.

Qofka oo aan dhib u arkin in dadka kale ee uu ka helo uu kaaga sheekeeyo.

Haddii wiilka aad la socoto uu kaaga sheekeeyo hablaha kale ee uu la sheekeysto ee uu ka helo, sidoo kalena gabadhu aanay wax dhib ah u arkayn inay kaaga sheekeyso ragga kale ee ay ka hesho taasi waa calaamad cad in qofkaasi uuna wax xiiso ah kuu qabin.

Akhriso: 9 Astaamood Oo Lagu Garto Haddii Uu Jacayl Dhab Ah Ku Haayo!

Akhriso: Dhibaatooyinka Laga Qaado Jacaylka Aan Lagula Wadin & Talooyin Muhiim Ah

Akhriso: 5 Dabeecadood Oo Gabadhu Ku Nici Karto Ninka

Diyaariye: Cabdirisaaq Faarax

Check Also

Talooyinka Guurdoonka Qaybta 2-Aad

3. Wakhtigaaga qaado Ha degdegin; wakhtigaaga qaado. Ha u guursan in saaxiibbadaa guursadeen darteed. Guurso …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *