10 Calaamadood Oo Ku Tusaya Inaad Ku Taagan Tahay Jidka Guusha

Waxaa run ah in qof kasta oo dunidan ku nooli uu jecel yahay in uu guul ka gaadho noloshiisa, habeen iyo dharaarna uu ku riyoodo sida ugu fiican ee uu guushaas u soo hoyn karo. In kasta oo sida guusha loo yaqaanno ama nooca guusha ay dadku ku kala aragti iyo faham duwan yihiin.

Si kasta oo uu qofku ugu dadaalo in uu guul, haddana dhibtu waxa ay tahay in aanu marnaba ogeyn in jidka uu hayaa uu yahay kii uu ku gaadhi lahaa guusha uu hiigsanayo, waxa aanu jeclaan lahaa in uu ugu yaraan helo bidhaan yar oo uu ku garan karo in ugu yaraan jidka uu hayaa uu yahay kii uu guusha ku gaadhayey. Qormadan  waxa ay taabanaysaa arrimo qofka lagu arko loo malayn karo in uu jidkii guusha hayo, arrimahan oo ay xeeldheerayaal muddo baadhis iyo sahamin waday ka soo dheegteen dabeecadaha iyo hab-dhaqannada dadka dunida ee lagu majeerto guusha iyo horumar ay naftooda gaadhsiiyeen:

1. Mushaharkaagu yaanu noloshaada maamulin:

Haddii aad weli xorriyad buuxda u leedahay in shaqadaada marka aad doonto ka tegi karto, adiga oo aan qiimayn gaar ah siinayn qaddarka mushahar ee aad qaadato, xitaa haddii shaqada kale ee aad ku wareegayso aad ka qaadanayso mushahar bulshada kugu xeerani u aragto in uu aad u yar yahay, waxa aad xaqiijisay guul ay dad badan oo maanta dunida kugula nooli xaqiijin kari la’ yihiin. Waxa aad haysataa xorriyad aad ku qaadan karto go’aanka aad doonto oo aanad masiirkaaga oo dhan ku xidhayn go’aamada mamaulaha ama xaqlaha shaqada aad ka shaqayso. Adduunyadu ma’aha in aadn mushahar badan hesho, balse waa in aad xorriyad badan hesho si aad waqti ugu hesho arrimaha noloshaada farxad geliya iyo dadaallada aad guul shakhsi ah ku raadinayso.

2. Xidhiidhka aad bulshada la leedahay:

Waa sidee xidhiidhka aad la leedahay dadka kugu dhow, sida xaaskaaga ama saaxiibbadaada kugu dhow. Ma xidhiidh mushkilad iyo caqabado badan, canaan iyo cabasho ka buuxdo oo mar kasta khilaaf uun la xallinayaa?!

Mushkiladaha iyo is-fahmi waa soo gala xidhiidhka bulsho ee qofku waa caqabad ka hor istaagi karta in uu gaadho guusha uu niyadda ku hayo. Dadka kugu xeeran oo aad xidhiidh bulsho oo qodax yar la yeelataa waxa ay astaan u tahay in aad haysato waqti aad u jeedsan karto dadaalladaada khuseeya guusha nolosha aad ka rabto.

3. Qorshe ma ka leedahay bisha soo socota:

Kama hadlayno qorshayaasha faahfaahsan ee sannadka soo socda aad leedahay, laakiin waxaa muhiim ah in ugu yaraan muddo yare e kugu soo foodleh aad ka leedahay qorshe cad. Waa in aad aragti ka leedahay arrimaha waaweyn ee noloshaada shakhsiga iyo mihnaddaada shaqo khuseeya ee ay tahay in mustaqbalka dhow aad qabato, sidoo kale waa in aad leedahay halbeeg aad taqaanno oo bil kasta aakhirkeeda aad ku qiimayn karto waxa kaaga qabsoomay qorshayaashaadii bishii hore, isla markaana aad dejiso qorshaha bisha xigta aad leedahay. Haddii aanad hab-nololeedkan marin waxa ay u dhowdahay in aanad guul la gaadhin ujeedooyinka aad nolosha ka leedahay.

4. Caawinta dadka:

Tusaale ahaan haddii aad isla imika xasuustaada dib u celiso ma xasuusan kartaa ficillo iyo hawlo aad ku caawinayo dad u baahan oo aad samaysay bishii ina dhaaftay?

Caadi ahaan dadka badankoodu ujeedada ugu mudan ee ay adduunka ka leeyihiin waa in dharaaraha ay joogaan ay farxad ku noolaadaan, waxase ay ma’oggan yihiin in furayaasha farxaddaasi ay yaallaan meel aad uga dhow meesha fog ee inta badan laga raadiyo. Keliya waxaa ku filan in ay dadka caawiyaan, xitaa haddii ay noqonayso in ficil yar oo fudud ay ku caawinayaan, tusaale ahaan arday aad ka caawisay dhamaysashada waxbarashadiisa oo ka kala go’i lahayd caawimadaada la’aanteed, ama in qof aad ka caawiso hawlo xafiis ka galay. Mar kasta niyadda ku hay in aad cid caawiso, waxa aad arki nolosha oo farxad kuu yeelatay.

5. Ku dadaal in aad caafimaadkaaga ilaaliso:

Cuntada dufanku ku badan yahay, jimicsi la’aanta iyo sigaar cabbistu waxa ay ka mid yihiin arrimaha khatarta ku ah guusha mustaqbalka ee qofka, waayo waxa ay ku keeni karaan xaalado caafimaad darro oo ka horjoogsanaya arrimo badan oo muhiim u ah noloshiisa iyo hawlo badan oo guusha uu rabo lama huraan u noqon lahaa.

Waxaa hubaal ah in wax kasta beddelkiisa iyo cawil-naqiisa la helo, xitaa lacagta, laakiin waa ay adag tahay in caafimaadka beddel loo helo, sidaa awgeed ku dadaal in aad jimicsi samayso xitaa haddii ay noqonayso Saacad badkeed maalin kasta, hana joojin xitaa marka aad mashquulka badan tirsanayso.

6. Wax cusub baro:

Marka laga tago aqoonta laga dheefo shaqada iyo waxbarashada caadiga ah ee jaamacadda, waxa aad naftaada bartaa in ay jiraan duruus kale oo cusub oo ay barato. Ku dadaal in aad barato jimicsi cusub, xirfad cusub, ama aad koorsooyin shaqadaada muhiim u ah ka barato jaamacadaha, maxaddada iyo xitaa internet ka dhexdiisa.

Haddii aanad wax cusub baran, waxa aad ogaataa in aad ku dhex jirto dhibaato nololeed oo ay tahay in aad xal u raadiso. Haddii aad aragto ruux mar kasta waxbarasho wada, xitaa waxa uu baranayaa ha noqdo wax sahal ah oo yare e, waxa aad ogaataa in uu jidkii guusha hayo. Maalin kasta oo qorraxdu caafimaad kuugu soo baxdo ku dadaal in aanu gabbalku kuu dhicin adiga oo aan wax cusub korodhsan, ama xirfaddaada cusboonaysiin; waa taas astaanta lagu yaqaanno dadka guulaysanayaa.

7. Dhab ma kaa tahay in aad mushkiladda kaa hortimaaddo ka gudubtaa:

Waxaa jira dad si dhaqso ah isugu dhiiba mushkiladaha ka hor yimaadda oo aan wax dadaal ah gelin ka gudbisteeda, iyaga oo aad mooddo in ay sugayaan in xalku gacan kale ka yimaaddo ama mushkiladdu iyadu is xalliso. Waxaa isna jira qof kale oo aan is dhiibin, ee si joogto ah isugu daya in uu ka gudbo mushkiladda soo waajahda, xitaa haddii ay tahay mushkilad ay maskaxdiisu u arkayso in ay aad u weyn tahay; waana qofkaas qofka jidka guusha hayaa. Si dhab ah oo aad isugu daydo in aad ka gudubto caqabadaha nolosha ee kaa hor yimaaddaa waa astaan caddayaysa in aad leedahay xirfadda uu u baahan yahay qof kasta oo hiigsi fog leh, noloshana guul ka gaadhayaa.

8. Waqtigaaga waa aad xakamayn kartaa:

Is weydii inta saacadood ee aad ku qaadato baadhista iyo ku sheekaynta barkulannada bulsho ee internet ka, inta jeer ee aad asxaabtaada iskala xidhiidho adiga oo aan ujeeddo sugan lahayn?

Haddii aad aragto qof aanay u xisaabsanayn saacadaha maalin kasta ka lumo isaga oo aan wax faa’ido leh qabsan, waxa aad garataa in uu hayo jidka kuwa guul darraysta. Dadka ujeedadoodu tahay in ay xaqiijiyaan riyadooda, inta badanna guul ka gaadha noloshu waa kuwa awooda in ay xisaabiyaan oo xakameeyaan waqtigooda.

9. Dakhliga ku soo gala oo aad badh kaydsato:

Dakhliga ku soo galaa xaddi kasta oo uu yahay, awood ma’ u leedahay in aad wax uun ka kaydsato, haba yaraado ee. In qofku dakhligiisa wax ka dhigtaa waa xirfad karti iyo go’aan adayg u baahan, oo aanay sahal ahayn in qof kastaa sameeyo.

In qofku awood u leeyahay in uu maamulo dakhliga soo gelaya, oo uu badh ka dhigto haba yaraato ee waa calaamad si cad inoo muujinaysa in uu yahay ruux leh hal-adayg iyo xisaabtan, waana calaamad lagu garto dadka jidka guusha haya.

10. Maxaa kugu qasbaya shaqada aad hayso ama hawsha aad hadda hayso?

Weli naftaada ma weydiisay, waxa kugu qasbaya in inta aad subaxda kacdo aad qabato hawsha ama shaqada aad hayso? Maxaa aad u shaqaysaa? Ma is tidhi, adiga oo naftaada waraysanaya. Haddii su’aashaa aanad jawaab cad u haynin. Ama aad ku jawaabtay uun in ujeedada aad u shaqaysaa ay tahay in aad lacag hesho ama mushaharku uu yahay sababta aad dartii u shaqayso. Waxaa ku fiican in aad shaqada ka tagto oo aad raadiso hawl iyo shaqo kale oo aad jeceshahay qabashadeeda.

Waa run oo lacagtu nolosha waa u lama huraan, laakiin isla markaasna waxa aad u baahan tahay, in aad lacagta ka hesho shaqo aad xiise iyo jacayl u hayso, haddii kale oo aad waqtigaaga ku lumiso shaqo aanad jeclayn ee aad lacag uun ku gashay, waxa aad ogaataa in aanad guusha jidkeedii haynin oo uu kaaga dhow yahay ruuxa maal yar ka hela shaqo uu aad u jecel yahay.

Diyaariye: Kamal A. Ali

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *