10 Caado Oo Qofka Joogteeya Ka Caawiya In Kasbado Qalbiyada Dadka Ku Xeeran Iyo Bulshada

Haybaddu ma’aha wax qofku uu gacantiisa ku haysto ama ku soo dhasho balse waa wax uu kasbado oo weliba dadaal iyo karti badan kadib uun ay tahay marka uu dadka ku abuuri karo shucuurta ah in uu muhiim yahay ama in uu haybad iyo xushmayn ka mudan yahay.

Waxaa jira qof marka uu gole soo fadhiisto ama madal uu soo galo ay iftiinto, oo farxad iyo soo dhoweyn kalgacal leh lagu soo fadhiisiyo, waxaa isaguna jira qof dadka golaha fadhiyaa aanay xiise u hayn, la sii sheekayntiisa iyo haasaawihiisuna culays ku yahay, marar badanna ay dhacdaba in ay qaar badan oo dadkii uu golaha ugu yimid ahi ay iskaga baxaan ama ka tagaan fadhiga. Qofna ma diidi karo in ay jiraan dad qalbigiisa farxad, niyadwanaag iyo rajo ku abuuraya, sheekadooda iyo la macaamilkoodana la soo wada dhoweynayo iyo kuwo intaas liddigeeda lagu qaabilo. Qormadan oo aynu soo turjunay waxa aan akhristayaasha kula wadaagaynaa caadooyin ay khubarada cilmiga bulshadu sheegeen in qofka ay dadka u geliyaan kalgacal iyo soo dhoweyn, haybadna siiyaan.

1. Dhegeysigaagu ha ka bato hadalkaaga: Hadalka laguu jeedinayo u dheg raarici, adiga oo weliba dhegeysigaaga su’aalo jawaab kooban u baahan dhextaal uga dhigaya, ku dadaal in qofka kula hadlaya aad siiso inshaha, mararka qaarna u dhoolla caddayso. Iska jir in qofka aad la hadlayso aad marar badan hadalka ka dhex gasho.

Ma fiicna in aad sida dadka qaar ku dheggenaato in wax kastaa uu rasmi u muuqdo oo nidaam iyo hab uu maro, ama in mar kasta sidaa la yeelo, waxaa fiican in qofka aad ku beerto shucuur ah in qof kastaa uu muhiim yahay (Adiga iyo Isaguba), xitaa haddii uu kaa mansab ama maal hooseeyo. Ogowna oo ma fiicna in aad ku talaxtagto talo siinta dadka, waayo taladu waxa ay ku fiican tahay marka uu qofku kaa dalbado ama marka aad u aragto in waqtigeedii la joogo qofkuna u bisil yahay.

2. Ha caadaysan in aad dhegeysato waxa aad jeceshay oo keliya: Waxaa jira dad awooda in ay dhegeystaan waxyaabo gaar ah oo keliya, taas oo keenta in mararka qaarkood qofka u sheekaynayaa ka dareemo in warkiisa aanay xiisaynayn ama in qofkan uu sheekada u wadaa aanu qaddarinayn. Inta badan waxa ay arrintani ka dhacdaa qofka u arka in qofkan uu u sheekaynayo uu ka meeqaam iyo darajo sarreeyo, maal ama mansab ha noqoto ama cilmi iyo caqli uu is bidayo ha ahaato ee.

Maadaama oo qofku aanu dembi ku hadlayn, waxa muhiim ah in warka uu kula soo qasdiyey aad dhegeysato oo weliba muhiimad siiso dhegeysigiisa, kadibna aad ka jawaab celiso haddii uu yahay war kaaga baahan jawaab ama in aad aragtidaada ka dhiibato.

3. Ilaali asluubta fiican ee kulanka: Marka aad qof la kulmayso, ku dadaal intii suurtogal ah in aanad ku mashquulin talefanka iyo saacadda, qofka ama dadka aad kulanka kula jirtaa yaanay kaa dareemin in wax uun kale aad kaga mashquushay ama ka doorbidday. Qofka kula hadlaya u jeedi dareenkaaga oo dhamaystiran, ogowna oo anshaxa kulanka iyo asluubta dhegeysigu waa hibo qaaliya oo Alle (SWT) oo keliyi uu bixiyo. Waana hab dad badan qalbigooda aad ku kasban karto, haybad aad agtooda ku yeelanayso, lagana yaabo in qaarkood abid kugu xasuustaan.

4. Bixi inta aanad adigu wax qaadan: Ku dadaal in aanad ku fikirin saamiga aad ka heli karto caawimooyinka dadka kale, ku dadaal in aad ka maaranto waxa ku jira gacanta aadamaha, adiga oo xoogga saaraya in aad adigu noqoto qofka wax bixinaya. Wax bixintu waxa ay ka mid tahay furayaasha xidhiidhka dhabta ah lagu abuuri karo. Nebigeennii Muxammed (SCW), waxa  uu dhiirri geliyey in aynu ku dadaalno in qofka muuminka ah dhibta adduun ee haysata aynu ka furanno, in aynu ceebaha dadka asturno, iyo tan aynu ka hadlayno oo ah in aynu walaalkeenna kale u gargaarno. Waxa kale oo axaadiista Nebi Muxammed (SCW) ku cad in gacanta sare ee wax bixisaa ay mar kasta ka fadilantahay gacanta hoose oo ah tan wax la siinayo.

5. Naftaydaada uun ha u danayn: Dadka u muuji in naftaada iyo dadkaba aad danaynayso oo aad jeceshahay, laabtaaduna ay u furan tahay dadka oo dhan, adiga oo aan ku kala saarayn da’, aragti, qabiil, midab, mansab, maal ama magac kale.

5. Qofka guusha hiigsanaya caawi: Ku dadaal in aad dadka kale guushooda kala shaqayso, kuna taageerto talo iyo tusaale waxtar leh, haddii ay kaaga baahdaan, hana kala bakhaylin waanada inta aad og tahay in wax aad ku dhaanto oo aad u sheegi kartaa ay jiraan.

6. Baro anshaxa fiican ee talo siinta: Dad badan ayaa ay caadadooda tahay in qofka ay talada siinayaan ay isu tusaan in ay ka sarreeyaan oo sarrayntaas ay ku kasbadeen garaad ay dheer yihiin oo ah kan keenay in ay la taliyaan. Weligaa qof aad talo siinayso ha isu tusin in aad kaaqoon, maskax ama waayo-aragnimo badan tahay, isaga sii fursad uu taas ku malaysto, haddii uu doonayo. Weligaa taladaada ha ka dhigin amar iyo hadal qallafsan, qofka tus in aad dantiisa u damqanayso, guul iyo horumarna la doonayso, u muuji in talada aad siianysaa ay tahay uun sida adiga kula quman, oo aanu jirin wax ku qasbaya in uu qaato, balse isagu xor u yahay in uu aqbalo iyo in uu diido oo weliba aanay taasi waxba u dhimayn xidhiidhkii awalba idinka dhexeeyey.

8. Ereyada afkaaga ka soo baxaya si taxaddar leh u dooro: Ereyada aad odhanaysaa waxa ay saamayn ku leeyihiin hab-dhaqanka dadka kale. Ereyga aad qofka ku leedahay marka ugu horreysa ee aad is aragtaan ereyo togan iyo mid taban mid ay yihiin, waxa ay saamayn ku yeeshaan xidhiidhka uu qofkaasi kula lahaanayo mustaqbalka oo dhan. Waxa ay raad ku yeelanaysaa wanaagga ama xumaanta uu qofku shakhsiyaddaada ka qaadanayo.

Intii suurtogal ah ku dadaal in aad ka fikirto ereyada afkaaga ka soo baxaya, macnayaasha ay yeelan karaan iyo fahamka uu qofka maqlayaa ka qaadan karo.

9. Qofka ha kala sheekaysan guul-darrooyinkiisii hore iyo waxa uu neceb yahay xusuustooda: Marka aad qofka la sheekaysanayso, ha isku mashquulin in aad mar kasta xasuusiso inta jeer ee uu qofku soo fashilmay, hana ku caayin fashilaad ka soo gaadhay hawl uu qabanayey. Hadallada noocan ahi waxa ay saamayn xun oo aan hadhin kaga tagaan qalbiga qofka. Sidoo kale muhiim ma’aha in qofka aad uga sheekayso oo aad ugu celceliso waxa uu karhayo maqalkooda, waa haddii aanu ahayn xaq uu baal marsan yahay oo inta aad si cad mawqifkaaga ugu sheegto, haddii uu ka joogsan waayo qaladka aanad adiguna go’aan cad oo uu og yahay ka qaadanayn xidhiidhkiisa.

10. Dhoolla caddaynta ogow: Sida uu Nebi Muxammed (SCW) inoo sheegay qofka oo aad dhoolla caddayn ku qaabishaa waxa ay ka mid tahay sadaqooyinka ajarka Alle kaaga abaal marinayo. Dhoolla caddayntu waa furaha ugu awoodda badan ee aad ku furan karto qalbiga qofka. Waxa aanu keenaa marar badan in qofku marka uu ku arko uu illaawo murugadii iyo hammigii uu qabay, kalgacal, rajo iyo niyadwanaagna galo.

Check Also

runta xikmad, xikmada todabaadka

Xikmada Todobaadka

Xikmada todabaadka: -Ha doondoonin RUNTA iyadaa imaneysa kaliya waxaad joojisaa xumaha iyo fikradahaada khaldan. -Weligaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *