10 Astaamood Oo Muujinaya Inaad Diyaar U Tahay Ganacsi

Ma ka fikirtaa in aad yeelato ganacsi? Abuurista ganacisgu waa mid xiiso badan isla markaana faa’iidooyin badan. In aad noqoto qof aan cidna u shaqayn oo aan cidna amar ka qaadan waa xoriyad ay dad badan ku riyoodaan balse waxaa muhiim ah in aad ogaato in ganacsigu u baahanyahay hawl-karnimo badan, halkaan waxaan idin-kugu soo bandhigaynaa 10 calaamadood oo lagu garto marka aad diyaar u tahay in aad noqot ganacsade dhab ah.

1. Waxaad aaminsantahay fikradaada – Haddii aad tahay qof aad ula dhacsan fikradiisa iyo waxyaabaha uu doonayo in uu ka ganacsado isla markaana ay yihiin waxyaabo aad jeceshahay in aad qabato si joogto ah, taasi waxay muujinaysaa in aad diyaaar u tahay in aad ka miro dhaliso.

2. Waxaad haysataa suuq – Ganacsiga wanaagsan waa midka leh suuq weyn oo ay macaamiishu diyaar u yihiin in ay iibsadaan badeecada ama adeega aad bixiso. Inta aadan aasaasin ganacsiga, xaqiiji in baahi loo qabo waxyaabaha aad doonayso in aad ka ganacsato.

3. Waxaad taqaanaa awoodaada – Inta aadan furan ganacsiga waa in aad xaqiijisaa in shaqadu ay tahay mid aad kaligaa qaban karto ama in aad u baahantahay dad kale, haddii aad u baahantahay cid ku caawisa waa in aad heshiis la gashay inta aadan hawsha galin isla markaana ay yihiin kuwo u jajaban hamigaaga.

4. Waxaad diyaar u tahay in aad wax barato – Wax badan ayaan ka hadalnay muhiimada ay leedahay waxbarashada, balse ujeedkeenu ma ahan in aad iskuul gasho balse waa in aad diyaar u tahay in aad barato waxkasta oo aad ganacsigaaga ku socodsiin karto. Aasaaska iyo socodsiinta ganacsiga ayaa lafteeda ah waxbarasho joogto ah, iyadoo aad qaadan doonto casharo badan oo aadan waligaa iskuul ku dhigateen balse diyaar u ahoow in aad qalad samayn doonto, isla markaana aad cashar ka qaadan doonto.

5. Waxaad diyaar u tahay fashilka iyo guusha – Aduunka ganacsiyada laga abuuro inta badan fashil ayay ku dhamaadaan, taasi macnaheedu waa in aad diyaar u noqoto in ay macquul tahay in ganacsigaaga cusub uu fashil ku dhamaado balse aad leedahay qorshe B oo haddii fashil yimaado aadan noqon mid meel cilo ku soo dhacaya. Sidoo kale, waa in aad diyaar u noqotaa guusha, oo mararka qaar waxaa dhici karta in ganacsigaaga si aadan fileyn uu guul u gaaro oo aad xamili weydo baahida loo qabo adeegaaga ama alaabtada aad iibiso, iyada xitaa waa in aad leedahay qorshe B.

6. Waxaad haysataa lacag – Inkastoo ay jiraan ganacsiyo aad ku bilaabi karto lacag aad u yar, xaqiiqadu waxay tahay in inta badan ganacsiyada cusub ay u baahanyihiin lacag aad ku aasaasto iyo mid aad ku socodsiiyo. Inta aadan furan ganacsi waa in aad xaqiijisaa in aad haysato dhaqaalaha aad u baahan doonto.

7. Waxaad ku jidhaa nolol degan – Qofka aysan deganayn xaaladiisa nololeed, sida dhinaca qoyska ama aan si rasmi ah deegaan u ahayn meesha uu deganyahay waa mid ku sugan xaalad kacsan, taasi uma fiicna ganacsiga mana haboona in aad ganacsi abuurato inta aad ka helayso nolol degan.

8. Waxaad aqoon ama waayo aragnimo u leedahay waxyaabaha aad ka ganacsaynayso – Tani dhowr jeer ayaan ka hadalnay, inkastoo aad ganacsi abuuri karto adiga oo aan aqoon u lahayn sida ganacsigu u shaqeeyo hadana waxaa muhiim ah in aad aqoon ama waayo aragnimo u leedahay adeega ama alaabta aad doonayso in aad iibiso, haddii kale waxaad noqonaysaa mid ku xiran dad kale. Tusaale, haddii aad furato garaash adiga oo aan aqoon sida baabuurta loo sameeyo, taasi waxay noqonaysaa in aad ku xirnaato dad makaaniko ah oo aad mushaar siiso, iyadoo ay macquul tahay in ganacsigaaga uusan soo saarin mushaar ku filan adiga iyo shaqaalahaaga. ‘

9. Waxaad leedahay karti ganacsade – Qofkasta ganacsade ma noqon kara , taasi waa xaqiiqo la wada ogaaday. Waa in aad aamintaa dareenkaaga dhabta ah oo aad isweydiisaa in aad diyaar u tahay in aad qaadato masuuliyada iyo culeyska uu leeyahay ganacsiga.

10. Waxaad ku wanaagsantahay maareeynta waqtiga iyo lacagta – Dad badan ayaa ganacsi u abuuro si ay u helaan xoriyad oo aysan cid kale u shaqayn balse waxaa muhiim ah in aad leedahay dishibiliin xaga maareynta waqtiga iyo lacagta ah. Haddii aad iska seexato oo aadan ganacsigaaga waqti siinin lacag ma soo saarayo ismana kobcinayo. Haddii aadan xisaabin dhaqaalaha uu soo saarayo ganacsigaaga oo aadan u isticmaalin si wanaagsan, waxaad ku dambeynaysaa qasaare. Sidaa darteed waa in aad tahay qof ku wanaagsan maaraynta waqtiga iyo lacagta.

Ganacsato

Check Also

suuqgeynta

Xeeladaha Suuqgeynta Ee Ay Ganacsatadu Isticmaasho

Qofka bani’aadamka ah dhaqankiisa iyo go’aankiisaba waxaa si aanu dareemayn saamayn ugu yeesha, hadba deegaanka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *