10 Arrimood Oo Ilmaha Dabeecad Xumo Ku Rida Sababna U Noqda Inay Halaabaan

Ilmahaaga marna ha caynin!..

Adiga oo ku tilmaamayo tilmaamo xayawaan!..sida dameer baad tahay!.eey batahay!..doofaar baad tahay! ama in aad tiraahdo maalinta aad dhalay maalin kheir ah ma aysan aheyn waad inkaaran tahay!..

Marna ha bahdilin hana ihaanaynin!..
Adiga oo ka duulayo wax yaabo ka maqan ama wax’yaabo uu ku xunyahay!..tusaalo ahaan in aad tiraahdo waa habaaran tahay!..been’loow baad tahay!..waad fool xun tahay!..tuug baad tahay!….damiin baad tahay! bahdilaada noocaan oo kale ah ilmaha qalbiga ayay ka dishaa, waxayna ku noqotaa dhibmil dab ah!..

Marna ilmahaaga haku dharaarin ilmo kale!..
Ilmaha in la yiraahdo ilmo kale ayaa kaa wanaagsan!..waxay bur’burisaa shaqsiyada ilmaha, sababtoo ah ilmaha isku mid ma aha cunug walba wax uu leeyahay tilmaamo uu kaga gadisan yahay ilmaha kale, taasina waxay keeni kartaa in ilmaha ay kalsooni daro ku dhacdo isla mar ahaantaasna uu dareemo nusqaan!..

Jaceylka aad u qabto shardi haku xirin!.
ilmahaaga in aad tiraahdo waxaas hadii aad samaysid waan ku jeclahay! ama aad tiraahdo soo ma ogid in aan ku jecelahay sababtoo ah waxaas iyo waxaas baad samaysay, taasina waxay keentaa marka uu waynaado in uusan dareemin in reerka uu ka mid yahay, markii uu yaraana uu ahaa ruux aanan la jecelayn!..waana tan keentay ilmaha in ay warwalba jecelyihiin ayeeyada iyo awoowaha sabatoo ah jaceylkooda wax shardi ah kuma xirna!..

Macluumaad qaldan haku barbaarin!..
ilmahaaga marna haku oran tusaalo ahaan” maxaad la oranaysaa war nin rag baa alle kaa dhigayee aamus ragu ma ooyaan!..”war naga aamus wali waad yartahay” walaahi cunugaan waa i waalay!..waa ila lugooysay ee rabi haku lugooyo!.. dab’baa igu shiday ee rabi dab hakuugu shido!.

Marna ha niyad jabin!..
Ilmahaaga marna niyada haka jabin adiga oo isticmaalaya erayo kala duwan!..tusaalo ahaan ” wax ma taqaanid, naga aamis nacasyahoow, waligaa wax ma fahmaysid, wax faa’iido ah oo aad leedahay ma jirto, naga aamus shaydaan yahoow!..

Cabsi galin qaldan!..
ilmahaaga marka aad rabtid in aad canaanato ama aad wax ka reebto hadalo qaldan haku cabsi galin!..tusaalo ahaan adiga oo yiraahda ” madaxaan labo kaa kala dhigayaa maanta, waan ku qalayaa, maanta meedkaaga intaa laga qaadi doonaa, war hooy maad joogtid maanta malagaadii baad u yeeranaysaa!..

Diidmo aanan sabab laheyn!..
Ilmahaaga marka uu wax ku waydiiso waan diiday oo qayaxan haku oran, marka aad wax u diidid u raaci sababta aad ugu diiday!..waxaa midaas ka dhalanayso ilmahaaga ayaga oo ku qancaan shayga aad u diiday bay faraha ka qaadayaa marka aad u raacisay jawaabta, nafsi ahaana baahi shaygaas uma qabaan in ay raadiyaan xeelad kale oo ku heli karaan ama in ay kuu daba’maraan!..

Habaar!..
ilmahaaga marna ha habaarin, tusaalo ahaan adiga oo yiraahda, “inkaar allaha kugu rido, meel baas ka dhac, meel xun baan illaaha kaaga baryay in uu ku dhigo, nacalad baa kuugu taal, balaayo beerka kugu dhufatay!..

Ha ceebaynin!..
Ilmahaaga marna ha ceebaynin, gaar ahaan haku hor ceebaynin dadka uu ixtiraamka u hayo ama uu ka xishoodo, hana ka kashifin waxyaabaha u qaaska ah!..

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *