10 Arrimood Oo Aad Samayn Karto Ramadaanka

Ramadaan maaha cunto iyo cabitaan: aad uga taxadar inaad calooshaada u cadibto sidii ay danbi kaa gashay. Dad badan oo inaga mid ahi waxay caado ka dhigtaan Ramadaanta in hadii afur la gaadho inay afka iyo gacanta iskula waashaan, hadaba Ramaadn qiimaheeda dib u raadi hadii aad ka mid tahay dadkaas.

1$ sadaqayso ugu yaraan maalinkasta: Sadaqadu waa shay aad ugu muhiima Ramadaanta, hadii aad awood u leedahay isku day inaad maalin kasta sadaqayso lacag haba yaraatee.

Xifdin Quraan: isku day maalin kasta inaad xifdido qayb ka mida Quraanka haba yaraatee.

Lacaga ku tababar nafta: Waxaad diyaarsataa daasada lacagta lagu uruuriyo, markasta oo aad qof isku xanaaqdaan ama aad u cadhooto, waxaad ku ridaa lacag yar sida 1kr ama 1£ ama 1$ adigoo nafta ku ciqaabaya inay Ramadaan khaldantay. Imisa ayey noqon ayaad u malayn Ramadaan dhamaadkeeda.!!!

Xidhiidh: Hadii aad ku xumayd xidhiidhka ehelka iyo qaraabada, isku day inaad wanaajiso bishan barakaysan. Ugu yaraan tahniyada Ramadaanta iyo iida isku day.

Jiif badan: Haku dhamaysan Ramadaan inaad jiifto maanta oodhan, wakhti aad u dheer weeye Ramadaanta sanadkani yeyna kugu ridin inaad ahaato qof dhulka yaala maanta oo dhan, ogow in aadan tabar sidaa ku helay.

5 daqiiqo: saacadkasta isku day inaad akhrido Quraan 5daqiiqo oo kaliya, hadii aad ka badisana waa wax fiican, camal yar oo daa’imaa wuxuu dhaamaa camal wayn oo mudo kooban la wado.

Saamaxaad: Isu day inaad Ramadaantan cafiso qofkasta oo wax kuu geystay, waa fursad aad u wanaagsan adoo ku jira jawigan rawxaaniga ah. Hana iloobin inaad cafis waydiisato intaad adigu wax yeeshay.

Caawin: ha noqon qofkii shaqaalaha loo ahaa Ramadaanta, isku day ugu yaraan inaad hawsha reerka geestaada ka gasho, hana ku eegin qof sidaada oo kale soomani inuu maalintiisa oo dhan jiko ama suuq kuugu mashquul sanaado.

Xigasho: khadijahome.com

Check Also

Mar Walba Oo Aad Dareento Culeys, Niyad Jab Iyo In Aan Ducadaada La Aqbalayn, AKHRISO SUURADAAN

Ma ogtahay in dawada ugu waxtarka badan, waxyeelana aan lahayn ee loo qaato stress-ka, welwelka, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *